Galmudug oo qorsheynaysa tubta horumarinta waxbarashada

0
388

Dhuusamareeb(Idaacadda Waamo)-Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxmed Xaashi Dhoorre oo kormeeray habka uu u socdo sixitaanka Imtixaanaadka Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe ay u socdaan sidii loogu tala galay, Saddex Cisho ka dibna lasoo gaba-gabayn doono sida uu qorshuhu yahay.

Mudane, Dhoorre oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay kormeer ku sameeyeen Dugsiyada Dhuusamareeb iyo Caabud-waaq ayaa bogaadiyay howl-wadeennada gacanta ku haya habsami u socodka sixidda Imtixaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sameynayaan qorshe ku aaddan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada Galmudug ,sida dhammaystirka Macallimiinta, sare u qaadidda aqoontooda bare-nimo, in loo helo mushaarkooda, dayactirka iyo hirgelinta Iskuullo cusub, isagoo intaa ku daray in ay kala kaashanayaan hay’adaha waxbarshada ka shaqeeya.

Ugu dambayn Wasiir, Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa sheegay in Ardayda ka baxday Dugsiyada sare ee Galmudug ay tiradoodu aad u hooseyso, wuxuuna hay’adaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada ka codsaday in ay ka caawiyaan fulinta barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo Bulshada, si ay ugu baraarugaan faa’iidada tacliinta, loona kordhiyo is-qorista Ardayda aadaysa waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here