Galmudug oo mamnuucday jarista iyo ka ganacsiga dhuxusha

0
297

Gaalkacayo-(Idaacadda Waamo)-Maamulka gobolka Mudug  ayaa  ka warbixiyay howlgalo ay ku joojinayaan xaalufinta iyo ka ganacsiga dhirta Dhuxusha laga sameeyo,taasi oo ka socota deegaanoo ka tirsan Gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Mudug  Cabdi raxmaan  Cali Diiriye Isxal  ayaa sheegay in jarista dhirta ay keeneyso nabaadguur ku yimaada dadka iyo deegaanka,iyagoo uga digay dadka ku howlan arrimahaasi in ay ka waantoobaan.

“Arrintani oo ku saabsan dhirt aiyo xaalufinteeda,arrintasi ayaa dhibaato nagu haysao,waxaa arrintaasi ku howlan dad lacago u wata in ay halkani shaqaalo keensadaan kadib dhuxulo ay uga sameeyaan jarista Dhirta,dhawaan waxaa dhacday in iska hor imaad halkaasi uu ka dhaco kadib markii isku dhac uu ka dhashey deegaanada ay ka socdaan jarista dhirta,gaar ahana dad diiday in deegaankooda laga jaro dhirta”. Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here