Gabdhaha Soomaaliyeed ee kismaayo oo Heerarka sare kagaara waxbarshada.

0
472

Kismaayo(Waamo Radio)Waxbarashada gabdhaha iyo wiilasha hada waa ay is badashay  Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose  waxaa ku soo badanayo  iskuulada ay wax kabartaan gabdhaha  kuwaas oo laga barto Maadiga iyo Diiniga Maamuliyaasha iyo Macalimiinta qaar kamid ayaa inoo sheegay in kaalmaha hore natiijooyinka wanaagsan gabdhuhu ka keenaan imtaaxanada laqaado.

Iyagoona sheegay in tiro ahaan iyo tayo ahaanba ay gabdhuhu ku wanaagsanyiihiin  dhanka waxbarshadda Waxaana hada muuqata in ay waalidiinta Soomaaliyeed ay ku baraarugeen in ay gabdhaha waxbaraan.

Qaar kamid ah gabdhaha wax ka barto iskulaadka Magaalada Kismaayo oo aan ka wareestay waxbarshadooda ayaa iisheegay in ay sanadadaan  danbe ay waxbarshada kaga badanyihiin raga kaalamaha horna ay iygu ka galaan natiijooyinka imtixanaadka.

Waxaa Warbixintaan inoo haysa Foos cali cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here