Gabar Soomaaliyeed oo u soo baxday Rubuc dhamaadka Is-reeb-reebka Feerka Olombikada

0
372

Dakar(Idaacadda Waamo)-Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa usoo baxday Rubuc dhamaadka Isreebreebka Feerka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan, kaasi oo lagu qaban doono sanadkan 2020-ka.

Ciyaartaasi oo ka dhacday Magalaalada Dakar ee Dalka senegaal, ayay Ramla garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guuleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feeryahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here