Gaadiidleyda reer Kismaayo oo lagu wargaliyay in ay u diyaar garoobaan bixinta canshuurta Sanadlaha ah

0
41
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Mudane oo uu wehlinaayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaarada Maaliyadda Jubbaland waxaa lagu shaaciyey in maalinta sabtida ee inagu soo aadan la bilaabi doono hubinta sharciyada Gaadiidleyda iyo in ay u dhameystiran yihiin decumentiyada laga doonayo.
Markii uu soo dhamaaday kulankii dhexmaray labada Wasiir kuxigeen ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gadiidka Jubbaland ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Jubbaland Mudane Mahad Sheekh Cabdi.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here