Furitaanka kal-fadhiga 7,aad ee BFS oo dib loo dhigay

0
321

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si wadajir ah waxaa ay u shaaciyeen in dib loo dhigay furitaanka kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada Aqal.

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen labada Guddoomiye ayaa waxaa ay ku sheegeen in si loo ilaaliyo badqabka Xildhibaanada, senatarada, Guddoonka Labada Gole iyo Shaqaalaha Baarlamaanka ay dib u dhigeen furitaanka kal-fadhiga 7aad,isla markaana xilliga kale ee la furi karo ay dib kasoo shaacin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here