Fatahaada Wabiga Shabeelle oo Go’doomiyay degaano hoostaga Jowhar

0
332

Jowhar-(Idaacadda Waamo)-Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo saameeyay Beeralaeyda ku nool tuulooyinkaas.

Deegaannada uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Bayaxaw, iyad aoo inta badan dadkii ku noolaa ay tuuladaasi ka baraceen,sidoo kale Wabiga uu saameeyay dagaalyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha tuuladaas.

Guddoomiyaha tuulada Bayaxaaw ayaa sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle iyo roobabka isbiirsaday ay sababtay in tuulada ay ka go’do degaannada kale ee u dhow,sidoo kalena Biyaha Wabiga ay soo galeen inta badan xaafadaha Tuulada Bayaxaaw.

Waxaa uu sheegay in dadkii horay uga barakacay Tuulada Bayaxaw ee duleedka Magaalada Jowhar ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ku heystaan degaano kale,waxaana dowladda Federaalka iyo Maamulka Hir-Shabeelle uu ka codsaday inay gurmad la soo gaaraan.

Horay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyey,waxaana degaannada qaar ka barakacay dadkii deganaa,kuwaas oo tegay tuulooyin iyo degmooyin ka badbaaday fatahaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here