Fabrizio Romano oo daaha ka rogay halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Lukaku xilli ciyaareedka dambe

0
358

Milan(Idaacadda Waamo)-Kooxaha England ka wada dhisan ee Chelsea iyo Manchester City ayaa doonaya inay xagaagan u dhaqaaqaan soo xero gelinta laacibka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku inkastoo haatan lagu soo warramayo inay rajadaasi ceel dheer kusii dhaceyso.

Lukaku ayaa lagu soo warramayaa inuusan diyaar u ahayn ka tagista Inter suuqa xagaaga soo aaddan kaddib waqti aan innaba caadi ahayn oo uu ku helay magaalada Milan.

27-jirkan ayaa dhaliyay 27 gool isagoo sagaal kalena caawiyay 41 kulan oo uu Nerazzuri u saftay dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan, waxaana bandhiggaas uu kusoo jiitay kooxdiisii hore ee Blues iyo naadiga Man City.

Hase ahaatee, joornaaliistaha Taliyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in weeraryahanka reer Belgium uu baaqi kusii ahaan doono naadiga Inter xilli ciyaareedka soo aaddan maadaama uu Lukaku sheegay inuu ku faanayo ka mid ahaanshaha Inter Milan.

“Waxaan xaqiiqdii ku faanayaa inaan ahay ciyaaryahan Inter u ciyaara, dareen gaar ah ayayna ii tahay inaan kooxdan la joogo” ayuu ku sababeeyay laacibkii hore ee Manchester United dabaaldaggii uu taageerayaasha kooxdiisa kula qaybsaday magaalada Milan.

Isku soo wada duub e, kooxaha ka dhisan Ingiriiska ayaa doonaya inay laacibkan kusoo celiyaan horyaalka Premier League oo uu kasoo hayaamay bishii August ee sanadkii 2019, waxaana uu Inter Milan u dhaliyay 61 gool kaddib 92 kulan oo uu saftay dhammaan tartammada tan iyo markii uu kusoo biiray Giuseppe Meazza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here