Faallo:Sida ay warbaahinta caalamka uga warrantay ayaxa soo weeraray Soomaaliya.

0
979

Kismaayo(Idaacada Waamo)Warbaahinta caalamka ayaa qaabab kala duwan uga warrantay ayaxa duullaanka ku ah Soomaaliya kaas oo la sheegay in dhul ballaaran uu xaalufiyay.

Sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, duullaankan ayaxa waa kii ugu ballaarnaa muddo 70 sano ah ee ku habsada dal Bariga Afrika ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya iyo dadka uu saameeyay ayaxa, waxay ka baqadin qabaan in saameyn xun uu ku reebo deegaanka taas oo muddo qaadan karti sidii looga soo gabsan lahaa.

Ayaxan duullaanka ah wuxuu ku socdaa dhanka Koonfur-Galbeed kaas oo horey u soo baabi’iyay dhul gaaraya 175,000 oo ekar oo dhul beereed ah oo ku yaalla Soomaaliya iyo dalka Itoobiya.

Wuxuu halis ku yahay wixii dadka ay cuni lahaayeen, waana weerarkii ugu xumaa in ka badan nus qarni, sida ay sheegtay hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada midoobeey ee FAO.

Arrintaas waxay soo jiidatay indhaha caalamka, warbaahinta dunida ayaana qaabab kala duwan u cabirtay cinwaannada warbixinnadooda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in “ayaxa uu halis ku yahay beeraleyda hadda gaajeysan”.

Beeraleyda Soomaaliya ayaa dowladda iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay ka caawiyaan sidii ayaxa looga ilaalin lahaa dalagga beeraha kaas oo sababi kara in qoysaska wixii ay cuni lahaayeen uu xaalufiyo, ayaa lagu qoray Reuters.

“Ayaxa wuxuuba cunay dhulkii daaqa ah, haddana waxaan u dagaallameynaa in aan ka difaacno beerta ay inoogu abuuran yihiin qare iyo digir”, ayey tiri Jamad Maxamed oo ku nool Dhuusamareeb oo Reuter ay soo xigatay.

Jirow Qorhere, oo sidoo kale beeraley ah wuxuu sheegay in hadda ay xaaladda xumaatay. Wuxuu ayaxa ka cunay dhammaan dalaggii uga baxayay beerta.

Wargeyska lagu magacaabo Euronews wuxuu qoray “Soomaaliya oo dhibaatada ayaxa uga hortageysa rasaas iyo in bariiska lagu darsado”.

Wargeyskaas ayaa qoray in deegaannada ay roobabkii xoogga lahaa ka de’een ee Soomaaliya ay hadda wajahayaan ayax weerar halis ah ku haya.

“Ayaxa wuxuu baabi’inayaa oo uu halis ku yahay dalagga beeraha ee qeybo badan oo ka mid ah dalka oo horey u wajahayay cunto yaraan”, ayuu qoray Euronews.

Mid ka mid ah beeraleyda uu soo xigtay wargeyska wuxuu yiri: “Ayaxa wuxuu cunay dhammaan dhirta, wuxuuna soo gaaray beerteena sida aad aragto. Tan waa dhammaadka, waxba inooma harin oo aan ku quudino carruurteena, mana awoodno in aan suuqa ka soo iibsano xitaa”.

Ayaxa deegaanka xaalufiya ayaa baabi’inaya tobannaan kun oo hector oo beero iyo dhul daaqsin ah oo ka tirsan Soomaaliya. Waa duullaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah, ayuu qoray wargeyska oo soo xigtay hay’adda Beeraha u qaabilsan Qaramada midoobey ee FAO.

Ayaxa waxay u badan tahay in uu sii fido. Qeybtii ayax ahba waxaa suuragal ah in ay baabi’iso wixii ay sannad cuni lahaayeen 2,500 oo qof, ayuu wargeyska The East Afrika ka soo xigtay FAO.

Duullaanka Ayaxa wuxuu halis gelinayaan nolosha Soomaalida beeraleyda ah, ayuu yiri wargeyskaas ka soo baxa Bariga Dhexe.

Wuxuu baabi’iyay 70,000 oo hector oo dhul beereed ah, sida uu Asharq Al-Awsat uu ka soo xigtay FAO.

Dhulkaas uu ayaxa nabaad-guuriyay waxay ku kala yaallan Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna halis ku yahay cuntada labadaas dal. Duullaankan ayaxa waa midkii ugu xumaa muddo 70 sano ah, sida ay Arbacadii warbixin ku sheegtay hay’adda FAO.

Iyadoo Soomaaliya ay abaar ba’an ku dhufatay horraantii sannadkan, haddana markii roobka uu u da’ay, waxaa dillaacay arrin dabiici ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here