ESM oo shaacisay kooxda ugu wanaagsan sanad ciyaareedkii tagay ee 2019/20

0
335

Yurub(Idaacadda Waamo)Lionel Messi iyo Marc-Andre ter Stegen kaliya ayaa ah xiddigaha ka ciyaara horyaalka La Liga ee ku jira kooxda ay soo xulatay madasha ay ku mideysan yihiin warbaahinta qaaradda Yurub ee European Sports Media (ESM).

ESM waxaa ku mideysan wakiillo matalaya wargeysyada ciyaaraha ka faallooda sida MARCA, La Gazzetta dello Sport, Kicker iyo kuwa kale oo kasoo baxa qaaradda Yurub.

Codeeyayaasha ayaa doorta xiddigaha ka qayb noqonaya kooxda ugu wanaagsan qaaradda Yurub fasal ciyaareedkii tagay ee 2019/20, iyagoo ku saleynaya wax qabadkii ay soo bandhigeen.

Kooxda ugu dambeysa ee ay ESM shaacisay waxaa ku jira afar xiddig oo ka wada tirsan kooxda Liverpool ee hanatay horyaalka Premier League, waxaana ay kala yihiin Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Andy Robertson iyo Jordan Henderson .

Xiddigaha  Barcelona ee kala ah Messi iyo Ter Stegen ayaa safkan soo galay, halka kooxdan uusan ku jirin xitaa hal xiddig oo u ciyaara Real Madrid, xilli Los Blancos ay hanatay horyaalka La Liga sanad-ciyaareedkii tagay.

RB Leipzig difaaceeda Dayot Upamecano, kubbad sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne, Paris Saint-Germain xiddiga garabka kaga ciyaara ee Angel Di Maria, Robert Lewandowski oo ka tirrsan Bayern Munich iyo Borussia Dortmund gool dhaliyaheeda Erling Haaland ayaa dhammeystiray kooxda ugu wanaagsan ee ay dooratay ESM.

Xiddigaha kala ah Van Dijk, De Bruyne iyo Lewandowski ayaa sidoo kale heysta rikoor wanaagsan oo ah in kooxda bisha ee horyaalkooda ay kasoo muuqdeen min shan jeer fasal ciyaareedkii tagay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here