Eintracht Frankfurt iyo Barcelona oo barbaro ku kala baxay kulanka lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Europa League

0
221

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxaha Eintracht Frankfurt iyo Barcelona ayaa barbaro ku kala baxay kulanka lugta hore wareega siddeeda ee tartanka Europa League, kaddib markii ay isku mari waayeen barbardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Eintracht Frankfurt iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Eintracht Frankfurt ayaa waxay hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Ansgar Knauff.

Laakiin 66 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Ferran Torres oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Frenkie de Jong.

Ugu dambeyntii kulankii lugta hore ee wareega siddeeda ee tartanka Europa League ayaa wuxuu ku soo idlaaday barbardhac 1-1 ah, iyadoo ciyaarta lagta labaad lagu ciyaari doono garoonka Camp Nou ee dalka Spain Khamiista soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here