Eduardo Camavinga oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Real Madrid.

0
226

France(Idaacadda Waamo)- Xiddiga Khadka Dhexe ee Kooxda Rennes Eduardo Camavinga ayaa Ka mid ah Xiddigaha ugu Fiican Horyaalka Ligue 1 inkastoo uu yahay Da`yar Jira 17-Sano ah.

Xiddiga Khadka Dhexe ayaa Bartilmaameed Weyn u ah kooxda Real Madrid & Tababare Zinedine Zidane kadib Xilli Ciyaareed Cajiib ah oo uu Soo Qaatay Sanadkan.

Si kasta ha ahaatee Xiddiga Khadka Dhexe ayaa Sheegay in uuna Ku Mashquulsanayn Wararka La Xiriirinaya Kooxda Real Madrid Waraysi uu Siiyay Wargayska Telefoot.

“Marka ay Koox Weyn Ku Doonayso Waa War Farxad Leh Laakiin Kama Fakirayo Arinta Real Madrid”ayuu yiri.

Xiddiga ayaa Xaqiijiyay in uu Doonayo in uu Xilli Ciyaareed Kale Sii Joogo Kooxdiisa Rennes”Joogista Rennes Waxay ahayd Doorasho aan La qaatay Qoyskeyga Maantana Waan Ku Faraxsanahay Taas”.

Kooxda Real Madrid ayaa Si aad ah u Doonaysa Saxiixa Xiddiga Khadka Dhexe ee 17-Sano Jir ah Kaas oo Qaab Ciyaareed Cajiib ah Soo Bandhigay.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here