Edison Cavani Oo Go’aansaday In Uu Kusoo Biiro Premier League.

0
377

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddiga Uruguay ee Kooxda PSG ee Cavani ayaa Lagu Soo Waramayaa inuu u Furan yahay in uu Ku Biiro Kooxaha Premier League ee Man United iyo Chelsea Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga Reer Uruguay ayaa Doonayo inuu isaga Hayaamo Kooxda PSG Suuqii Tagey ee January isaga oo Xitaa Waraaqdiisa Bixitaanka u Gudbiyay Madaxada Kooxda PSG Laakiin Madaxda PSG ayaa Diiday in uu Ka Tago Kooxda.

Xidigaan 32 Jirka ah ayaa ugu Dambayn Kusii Nagaaday Kooxda PSG Laakiin Heshiiskiisa ayaa Gabo-gabo ah oo Dhici Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Wakiilka Ciyaaryahanka ayaa Sheegay inuu Xiddigu Horey u Diiday Dalab uu ugu Biiri Lahaa Kooxaha Man United iyo  Chelsea intii uu Furnaa Suuqii Tagey ee Janaury.

Laakiin Wargayska L’Equipe ayaa Sheegaya inuu Xiddigu Haatan Ogolaaday inuu Kusoo Biiro Premier League Sida Kooxaha Chelsea iyo Man United Marka uu Dhoco Heshiiskiisa PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here