Edinson Cavani oo kala dooran doona Kooxaha Man United ama Boca Juniors.

0
304

Man United(Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Uruguay ayaa lagu wadaa inuu kala xusho kooxaha Man United iyo Boca Edinson Cavani wuxuu go’aan ka gaari doonaa mustaqbalkiisa maalmaha soo socda, ayuu yiri macalinka man united Ole Gunner Solsjear.

Weeraryahanka wadanka Uruguay ayaa heysta fursad uu kusii dheereysto qandaraaskiisa Man United xilli ciyaareed dheeri ah, ama wuu bixi karaa xagaaga waxaana farta laga saaray go,aan uu ku cadeeyo mowqifkiisa.

Cavani, oo 34 jir ah, ayaa lagu wadaa inuu kala xusho United iyo Boca Juniors, oo ah koox uu muujiyay sida uu u jecel yahay dhowr jeer waxaa si rasmi ah loo agaan doonaa hadii uu xidiga qaato go,aan maalmahan soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here