Ed Woodward oo diyaar u ah inuu shaqada ceyriyo Macallinka Man United ee Ole Gunnar Solskjaer

0
307

 Guddoomiye ku xigeenka fulinta Man United ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay inuu shaqada ka ceyriyo tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer haddii qaab ciyaareedka xun ee kooxda uu sii socdo.

Red Devils ayaa labo guuldarro la kulantay saddexdeedii kulan ee ugu horreysay horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan 2020-21, waxaana guuldarrooyinkaas qeyb ka ahayd xasuuqii 6-1 oo ay kala kulmeen Tottenham Hotspur.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Woodward ayaan ka labalabeyn doonin ceyrinta weeraryahankii hore ee kooxda haddii uusan macallinkan awoodin inuu la yimaado isbedel toddobaadyada yar ee soo socda.

Warbixinta ayaa dhanka kale sheegeysa in Mauricio Pochettino ay weli diiradda ku hayso kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska, iyadoo ninka reer Argentina uu diyaar u yahay inuu yimaado haddii loogu yeero inuu bedelo booska Solskjaer.

Man United ayaa isha ku haysa inay ku soo laabato waddada guusha markii ay u safrayaan Kooxda Newcastle United 17-ka bishan October, ka hor inta aysan saddex maalmood kaddib la ciyaarin Naadiga Paris Saint-Germain tartanka Champions League.

Natiijooyin adag ayay kooxdu arki doontaa dhammaadka bishaan, waxaana ay sidoo kale wajahaysaa Chelsea iyo RB Leipzig kulamada horyaalka iyo Champions League sida ay u kala horreeyaan, halka Novermber ay ku furanayso kulan gurigooda ah oo ay la ciyaarayaan Arsenal oo dib loo soo nooleeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here