Duuliye loo xiray xadgudub ka dhan ah caruurta

0
10
A Boeing 767 passenger aircraft of Delta airlines arrives from Dublin at JFK International Airport in New York as the Manhattan skyline looms in the background on February 7, 2024. (Photo by Charly TRIBALLEAU / AFP) (Photo by CHARLY TRIBALLEAU/AFP via Getty Images)

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wakiillo ka tirsan hay’adda Amniga Mareykanka ayaa gudaha u galay qolka duuliyaha diyaarada Delta Airlines, iyagoo gacanta ku dhigay duuliye ka tirsan shirkadda kadib markii diyaaraddii ay ka degtay Garoonka Caalamiga ah San Francisco ee Mareykanka.

Diyaaradan uu waday duuliyahan ayaa ka soo duushay Minneapolis waxayna ku degtay San Francisco.

Duuliyaha ayaa lagu eedeeyay
waxyaabo la xiriira muuqaallo ama agab ku saabsan xadgudub galmo oo lagula kacay carruur, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka.

Shirkadda diyaaradaha Delta Airlines ayaa ilaa hadda war rasmi ah ka soo saarin xariga loo geystay duuliyahan ka tirsanaa shirkadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here