Duufaanta Milton oo ku soo dhawaatay Florida

0
37

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Duufaanta loogu magac daray Milton ayaa xalay fiidkii billowday in ay garaacdo xeebaha koofureed ee gobolka Florida ee Mareykanka, iyada oo ku socota darajada saddexaad ee halbeegga awoodda lagu cabbiro duufaannada.

Xarunta Dhexe ee Duufaannada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Miami ayaa sheegtay, in duufaanta ay hadda wadato roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socota xawaare dhan 205 km saacaddiiba. Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah.

Meelaha ay hadda dul taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta koofureed ee Florida sida, Tampa, St. Petersburg, Sarasota iyo Fort Myers.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadaallada gurmadka iyo samatabixinta ay ka billowdeen gobolka Florida ka hor inta duufaanta Milton aysan ku dagan xeebaha, kaddib marki dabeylo hordhac ahaa ay qaadeen ilaa 125 guri oo intooda badan ahaa guryaha la macmalka ah ee la raro.

In ka badan 1 milyan oo guri iyo goobo ganacsi oo badankood ku yaalla magaalada Sarasota ayay korontada ka maqantahay. Waxaa laga cabsi qabaa in magaalooyin kale ay korontada ka tagto.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duufaanta oo haddadan aan idinla hadleyno socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here