Duqa Muqdisho oo amray in suuqyada Caasimada laga Xareeyo Xoolo buux dhaafiyay

0
332

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Ciidamada Ilaalinta deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay suuqyada weeweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho waxa ay ka bilaabeen in ay magaalada ka xareeyaan xoolaha dhex socda suuqdayada magaalada Muqdisho.

Amarkan lagu xareynayay xoolaha magaalada dhex socda ayaa waxa uu ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay hawlaha bilic soo celinta Caasimada .

Ciidamada ilaalinta Deegaanka ayaa maanta waxa ay sheegeen in ay hayaan qiyaastii 40 lo’ ah, kuwaas oo ay ka soo xereeyeen suuqyada degmooyinka gobolka Banaadir oo ay tageen, isla markaasina ay sheegeen in ay ku xereeyeen xarunta Baadi-Qabadka Gobolka oo dhawaan dib u habayn lagu sameeyay.

Xoolaha faraha badan ee dhex socda laamiyada waaweyn iyo suuqyada magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa ay dhibaato ku hayaan nadaafadda iyo bilicda deegaanka, taas oo marar badan cabasho ka keeneen ganacsatada suuqyada magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here