Dunida oo maanta laga xusayo maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo

0
82

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxaa lagu dhawaaqay Shirweynaha Guud ee Hay'adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO)
bishii Nofembar 1999.

16kii Maajo 2007 Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qaraarkiisa
A/RES/61/266 wuxuu ugu baaqay Dawladaha xubnaha ka ah "inay horumariyaan
ilaalinta dhammaan luqadaha ay isticmaalaan dadyowga adduunku".
Isla qaraarka, Golaha Guud wuxuu ku dhawaaqay 2008 inuu yahay sanadka caalamiga ah
ee luqadaha, si kor loogu qaado midnimada kala duwanaanta iyo fahamka caalamiga ah,
iyada oo loo marayo luuqadaha badan iyo dhaqamada kala duwan waxaana loo
magacaabay Hay'adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay si ay ugu adeegto hoggaanka sanadka.

Maanta waxaa isa soo taraya baraarujinta in afafku ay door muhiim ah ka ciyaaraan
horumarinta, xaqiijinta kala duwanaanshaha dhaqanka iyo wada xaajoodka dhaqamada
dhexdooda, sidoo kale xoojinta iskaashiga iyo helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo
dhan yahay, dhisidda bulshooyin aqooneed oo loo dhan yahay iyo ilaalinta hiddaha
dhaqanka, iyo abaabulka siyaasadda.
dabbaaldegyada 2024 Mawduuca caalamiga ah ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo 2024 waa "Waxbarashada Luuqadaha badan waa tiirka waxbarashada jiilalka".

Maanta, 250 milyan oo carruur iyo dhallinyaro ah ayaan weli dugsi dhigan, 763 milyan
oo qaan-gaar ahna ma haystaan xirfadaha aasaasiga ah ee wax-akhris. Barashada afka
hooyo waxa ay taageertaa waxbarashada, akhris-qoraalka iyo helidda luuqado dheeraad
ah.

Fikradda lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxay ahayd hindisaha
Bangladesh. Waxaa lagu ansixiyay shirkii guud ee UNESCO 1999
UNESCO waxa ay aaminsantahay muhiimada kala duwanaanshaha dhaqameed iyo
luqadeed ee bulshooyinka waara. Waxay ku jirtaa waajibaadkeeda nabadda inay ka
shaqeyso inay ilaaliso kala duwanaanshaha dhaqamada iyo luqadaha ee kobciya
dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kale.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here