Dunida oo maanta laga xusaya maalinta xirfadaha Dhalinyarada adduunka

0
352
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Xirfadaha Dhallinta Adduunka ee 2021 waxay mar kale ku dhacwysa  xaalad adag iyadoo ay ugu wacan tahay cudurka faafa ee socda ee COVID-19.
UNESCO waxay ku qiyaaseysaa in iskuuladu ay ahaayeen kuwo si buuxda ama qayb ahaan u xirnaa in ka badan 30 toddobaad intii u dhaxaysay Maarso 2020 iyo May 2021 dalalka adduunka. Dabayaaqadii Juun, 19 waddan ayaa  xiray ku dhowaad 157 School.
Jawaab bixiyaashii daraasad laga sameeyay hay’adaha waxbarashada iyo farsamada gacanta (TVET) oo ay si wada jir ah u soo ururiyeen UNESCO, Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) iyo Bangiga Aduunka ayaa soo sheegay in tababarku uu noqday habka ugu badan ee lagu bixiyo xirfadaha Dhalinyarada ku shaqeystaan.
Qiyaasta ILO waxay muujineysaa in adduunka oo dhan, shaqaalaysiinta dhalinyaradu ay hoos u dhacday 8.7 boqolkiiba sanadka 2020, marka la barbardhigo 3.7 boqolkiiba dadka qaangaarka ah, iyadoo hoos u dhaca ugu muuqda lagu arkay wadamada dakhligoodu dhexdhexaadka yahay. Cawaaqib xumada ka dhalan karta carqaladeynta khibradaha suuqa shaqada ee hore ee dhalinyarada waxay sii socon kartaa sanado.
Qaramada Midoobay, Shirkeedii Golaha Guud bishii Nofeembar 2014, waxay ku dhawaaqday 15 Luulyo inay tahay Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka,World Skills waxayna  Maalintan qayb ka tahay maalmaha aqoonsiga adduunka ee kor u qaadista xirfadaha.
18kii Diseembar 2014, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku ansixiyay is afgarad, qaraar, oo ay hormood ka ahayd Sri Lanka, oo ku dhawaaqay 15-kii Luulyo inay tahay Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka. Sri Lanka waxay bilowday qaraarkan, iyadoo gacan ka heleysa G77 & Shiinaha, si loogu muujiyo heer caalami, muhiimada horumarinta xirfadaha dhalinyarada.
In badan oo kamid ah dhalinyarada dalkeena Ayaan baran xirfado ay ku shaqeystaan taasna waxay dhaxal siisay in ay shaqo la,aan noqdaan waloow ay jiraan dhalinyaro badan oo leh xirfado shaqo lakiin aan haysan shaqooyin wanaagsan.
hadaba taasi oo jirto awgeed waxaan wareysi la yeelanay mid ka mid ah gabdhaha dhalinyarada degmada kismaayo taas oo leh xirfad hal abuur ganacsi iyadoo magaalada ku iibisa mudaabaad loogu tala galay in lagu daaweeyo qaar ka mid ah xanuunada ku dhaca bulshada deegaanka.
dhanka kale faadumo waa gabar da’yar malahan wax xirfad ah waxa ay iiga warbixisay waxyaabaha sababay in ay la imaan weydo xirfad ee ku hormariso nolasheeda.
dhanka kale Afayeenka golaha dhalinyarada degmada kismaayo Cali Cabdulaahi Daahiye ayaa waxa uu sharaxayaa kaalinta ururka uu ka qaatay hormarinta xirfada dhalinyarada.
ugu dambeen Xaliimo Cabdi Salaan waa madaxa maaliyada ururka dhalinyarada degmada Kismaayo waxaa ka wareysanay waxa ay uga dhigantahay dhalinyarada deeganada Jubbaland Maalinta Xirfadaha Dhallinta Adduunka iyo wax yaabaha ay ka qabteen ka urur ahaan hormarinta xirfada dhalinyarada deegaanaka.
Guud ahaan caalamka ayaa waxaa laga xusayaa maanta maalinta xirfadaha dhalinyarada aduunka taas oo loo asteeyey 15/7 sanad walba.

Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inoo diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here