Dunida oo maanta Laga Xusaayo Maalinta Kansarka Adduunka

0
192
Sannad kasta 4-ta Febraayo, Maalinta Kansarka Adduunka waxay awood u siisaa dhammaanteen adduunka oo dhan si aan u muujinno taageero, waxaa lama huraan ah in aan kor u qaadno codkeenna wadajirka ah, oo aan qaadno tallaabo shakhsi ah oo aan ku cadaadinno dowladahu in ay wax badan kaqabtaan wax ka qabashada cudurkaan.
Maalinta Kansarka Adduunka waa maalinta kaliya ee kalandarka caafimaadka adduunka halkaas oo aan dhammaanteen ku midoobi karno oo aan isku soo baxno hal calan oo kansar ah si aan wax badan uga qabano cudurkaan halista bada ee kansarka sidoo kale waa  aan dad qaba usameyno dhiirigelin.
Cudurka Kansarka adduunka ayaa ah mid aad u weyn waxaana lagu wadaa in uu sare u kaco. Waqtigan xaadirka ah, 8.2 milyan oo qof ayaa u dhinta kansarka adduunka sannad kasta, kuwaas oo 4 milyan oo ka mid ah ay yihiin dhimasho degdeg ah (30 ilaa 69 sano jir). Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabo degdeg ah si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan cudurka iyo in la sameeyo xeelado wax ku ool ah si wax looga qabto culayska kansarka.
Maalinta Kansarka Adduunka waa fursadda ugu habboon ee lagu faafiyo ereyga oo kor loogu qaado sidii wax looga qaban lahaa  kansarka ku dhaca  dadka, warbaahinta adduunka, iyo ajendaha caafimaadka iyo horumarka adduunka ayaa inta badan lagu falan qeeyaa
Maalinta Kansarka Adduunka waa hindise ay sameeyeen Ururka Xakamaynta Kansarka Caalamiga ah (UICC). UICC waa hormuudka ururka caalamiga ah ee aan dawliga ahayn ee mideeya bulshada kansarka si loo yareeyo culayska kansarka ee caalamiga ah, si kor loogu qaado sinnaanta weyn, iyo in la dhexgeliyo xakamaynta kansarka ee caafimaadka adduunka.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here