Dowladda Soomaaliya oo Kenya uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday roobab halkaasi ka da’ay

0
34

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeduba uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.

Dowladda ayaa sheegtay in marka hore ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Kenya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid ku dhowaad ​​50 qof oo ku naf waayay dhibaatadii ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay dalka Kenya, markii uu karkaarrada jabsada biya xireen ka mid ah kuwa ugu weyn dalkaa.

“Dareenka yagu wuxuu la jiraa qoysaska dhibbanayaasha ah iyo dhammaan dadka ay saameysay masiibada dabiiciga ah ayaa lagu yiri War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dhiggeeda Kenya xilligan adage ee lagu jiro, iyadoo intaa ku dartay dowladdu in ay diyaar la tahay wax kasta oo taageero ah ee looga baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here