Dowladda Soomaaliya oo joojisay in Salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado Masaajidda

0
285

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Wasaaradda Awqaafta iyo culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan lagu joojiyay in dadka masaajida ku tukadaan salaaddaTaraawiixda.

Waxaa sidoo kale la joojiyay in Saaladda Cishaha lagu tukado Masaajida ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha guud ee culimada Soomaaliyeed Sheekh Cabdi Baari ayaa ku baaqay in dadku ku cibaadeystaan guryahooda si loo xakameeyo halista cudurka Covid19.

Waxaa uu sidoo kale sheegay  in diinta Islaamka ay fareyso in la badbaadiyo nafta.

Wasiirka diinta  Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay soo rogtay Bandow kasoo horeeya Xilliyadda Salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda.

” Cudurkaan markii hore hadii shaki nooga jiray maanta waxuu maraa 300 dad ka badan marka taas taxadarkeeda hala muujiyo” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here