Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

0
289

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan:

24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa shalay cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here