
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekedaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) oo ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda S&P Global Market Intelligence.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku bogaadiyay guushan, isaga oo xusay in ay ka tarjumayso dadaalka dowladda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo adeegyada dekedaha dalka.
“Guushan waxay caddeyn u tahay in Soomaaliya ku talaabsatay horumar muuqda oo ku saabsan casriyeynta iyo hufnaanta dekedaha, iyadoo ay dowladda ka go’an tahay in dekedaha dalka laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo qeyb ka qaata kobaca ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka waxa uu intaa ku daray in dowladda ay ka go’antahay casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta, iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah.