Dowladda oo bulshada ugu baaqday Inay Qaataan Talooyinka Caafimaad ee la xiriira COVID-19

0
322

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in lagu yareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka ayaa caddeysay in wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here