Dowladda Morocco oo xabsiga dhigtay dad ku dhaw 500 oo qof

0
324

Rabat(Idaacada Waamo)Mas’uuliyiinta dalka Morocco ayaa ilaa iyo hadda maxkamad soo taagay 56 shaqsi kuwaa oo lagu eedeeyey in ay ka qeyb qaateen faafista wararka been abuurka ah ee ku saabsan caabuqa COVID-19.

Xafiiska dacwad oogaha dadweynaha ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay 450 qof oo kale oo ku xadgudbay talaabooyinka xaaladda degdegga ah ee caafimaadka.

Hicham Balaoui, xoghayaha guud ee xafiiska xeer ilaaliyaha, ayaa sheegay in dacwad oogista guud ay ahayd mid adag oo ku saabsan dhaqan gelinta qodobbada la xiriira xaaladda degdegga ah ee caafimaadka.

Balaoui wuxuu sheegay in sharciga qabyada ah ee laga soo saaray muddadii karantiilka ay ujeeddadiisu tahay in la dammaanad qaado caafimaadka iyo badbaadada muwaadiniinta, iyada oo la ixtiraamayo dastuur ahaan in ay dammaanad qaadayaan xuquuqda iyo xorriyadda dadka.

Waxaa lasoo saaray tallaabooyin looga taxaddarayo faafista infekshanka cudurka cusub.

Kuwa diida tallaabooyinka ilaalinta inta lagu guda jiro muddada karantiilka waxay wajihi karaan xabsi hal illaa seddex bilood iyo ganaax oo gaaraya 300 ilaa 1300 dirham.

Dhanka kale, Morocco ayaa shaacisay 26 kiis oo cusub oo ah COVID-19, taasoo tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay ka dhigeya 359. Tirada dhimashada coronavirus-ka ayaa iyana gaartay 3, halka 13 bukaan ay kasoo kabsadeen, sida ay tiri Wasaaradda Caafimaadka ee Morocco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here