Nirobi(Idaacada Waamo)Dowladda Kenya ayaa hakisay duulimaadyada tooska ah ee dalkaas uga yimaada dalka Talyaaniga cabsi laga qabo Cudurka dhibaatooyinka faraha badan ku haaya Caalamka ee Coronavirus.
War kasoo baxay Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa lagu shaaciyey in Kenya hakisay duulimaadyadii uga imaan jiray Talyaaniga gaar ahaan kuwii tooska ahaa ee Talyaaniga ilaa iyo Nairobi.
Warka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in Arrintan ay timid kaddib wada tashi ay dowladdu la yeelatay safaaradda Talyaaniga uu ku leeyahay Nairobi maadaama Talyaaniga uu kamid noqdey dalalka laga helay Cudurka Coronavirus.