Dowlada Jibouti oo xaqiijisay 72 kiis oo Coronavirus ah.

0
312

Djibouti-(Idaacadda Waamo)-Dawladda Jabuuti ayaa ku dhowaaqday kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 72, ayada oo ay sii kordhayaan dadka uu haleeyao cudurka.

Kiisaska ay ku dhowaaqday ayaa ah kuwii labaad ee ugu badnaa ee dalkaaso laga diiwaan geliyo muddo 24 saac gudahood ah.

Kiisaska cusub ee Jabuuti ay shaacisey ayaa waxa ka dhigaysaa wadarta kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey 435 qof oo laba ka mid ah ay dhinteen.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac ka muujiyey faafitaanka Cudurka Coronavirus,waxaana Shacabka uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan tallooyinka Caafimaad ee la siineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here