Dowlada Goboleedka Jubbaland oo deeq Gargaar ah garsiisay Degmada Buur-dhuubo

0
137

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Deeq Gargaar ah ayaa la gaarsiyay dadka fatahaadu saamaysay ee ku nool Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, deeqdaasi ayaa loo qeybiyey 500 oo qoys kuwaas oo danyar ah ayna saameysay fataahada ELNINO.

Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Cali Shariif C/laahi oo joogey halkii lagu qeybiyey raashinka ayaa umahadceliyey Maamulka Gobolka Gedo iyo madaxda ugu sareyso dowlad Goboleedka Jubbaland oo deeqdan raashinka ah soo gaarsiiyey shacabka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here