Dowlad Goboleedka Puntland oo digniin horle soo saarey.

0
339

Garawe(Idaacada Waamo)Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxaa ay ka digeen roobab dabeylo wata oo la filayo inay ka da’aan deegaano iyo Gobolo ka tirsan Mamulkaas,kadib saadaal la bixiyey.
Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Puntland dhawaan ay ka da’een roobab lixaad leh oo dadku ay ku diirsadeen,hayeeshee lafilayo inay sidoo kale da’aan roobab kale oo dabeylo wata oo waxyeelo geysan kara.
Waxaa uu sheegay in saadaal la sameeyey ay sheegeyso in ilaa 14-15 la filan karo in Roobab dabeylo wata ay ka da’aan deegaano badan oo ka tirsan gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.
Dadka ku nool deegaannada Dhul xeebeedka ah iyo Miyiga ayuu ugu baaqay inay ka foogaadaana Goobaha dooxooyinka ah,sidoo kalena uu uga digey kalluumeysatada inay wadaan howlaha jilaabashada kalluunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here