Doorasho maanta ka dhaceysa Kuuriyada Koonfureed oo ka mid ah dalalka uu saameeyay Coronavirus

0
296

Seoul-(Idaacadda Waamo)-Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ka bilaabatay doorasho lagu soo dooranayo baarlamaanka dalkaasi.

Codeynta oo la isticmaalayo warqdao ayaa dalkaasi ka socota, iyada uu dalkaasi ka mid yahay dalalka uu ka dilaacay Feyriska Corona.

Guddiga doorashada dalkaasi ayaa waxaa ay dhaqangaliyeen dhowr tallaabo si looga gaashaanto faafidda cudurka Corona

Codbixiyayaasha ayaa waxaa la siiyay qalabka gacmaha la gashado ,waxaana gacmaha loogu dhaqayay dareerayaasha dila jeermiska iyada oo ay codbixiyayasha sidoo kale xidhnaayeen qalabka sanka lagu duubto.

Waxaa sidoo kale dadka codka ka dhiibanaya doorashada baarlamaaka Kuuriya Koonfureed la baarayay heer-kulka jirkooda.

Doorashada ayaa waxaa lagu tartamayaa 300 oo kuraasta baarlamaanka dalkaasi Kuuriyada Koonfureed.

Waxaa horey u sii codeeyay dad ay tiradoodu gaarayso 11 milyan oo qof oo ka mid ahaa dadkii doorashada u diiwaangashanaa, taasi oo micnaheedu tahay 26% bulshada dalkaasi ku nool.

35 xisbi ayaa doorashada ku tartamaya , balse waxaa uu tartanka ugu adag u dhaxeyn doonaa xisbiga talada haya ee Minjoo (Democratic) Party iyo xisbiga mucaaradka ugu weyn ee conservative United Future Party.

Dalka Kuuriyada Koonureed waligeed doorsaho dib looma dhigin , xitaa xilligii dagaalkii Kuuriya 1952, oo la qabtay doorashadii madaxwaynaha

Caqabadda haysata saraakiisha doorashada ayaa ah sidii looga hortagi lahaa halista cudurka Corona in uu sii faafo.

Waxa ay go’aansadeen in haddii qofka heerkulka jirkiisa ka sareeyo 37.5C,la geeyo qol gaar ah oo dada laga dhex saaro.

Bukaanada laga daweeyay xanuunka Corona aya waxaa la siiyay fursad ay codadkooda ugu dhiiban karaan qaab Email ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here