Diyaarad sidday 175 rakaab ah oo ku burburtay Kuuriyada Koonfureed

0
17

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ugu yaraan124 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda dabdamiska qaranka ee dalkaasi.

Hay’adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 124 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay,kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan.

Shilkaan oo dhacay Axadii ayaa yimid, iyadoo diyaarada Jeju Air oo sidday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay ka soo duushay caasimada Thailand ee Bangkok,waxayna ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan oo qiyaastii 289km koonfur galbeed kaga beegan caasimada dalka Thailand.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed (Yonhap) oo soo xiganaysa saraakiisha wakaaladda dab damiska ayaa sheegtay in ay yartahay rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday.

Diyaaraddaasi rakaabka ah ayaa la sheegay in ay ku timid cillad,kadibna iyadoo bilaa taayirro ah ay ku soo degtay garoonka,sida laga soo xigtay Kooxo goobjoogayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here