Dimitar Berbatov oo u sheegay Man United booska ay u baahan tahay inay iska xoojiso

0
249

Manchester(Idaacadda Waamo)-Xiddigii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in Red Devils aysan bartilmaameedka koowaad ka dhiganin saxiixa xiddiga naadiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Jadon Sancho ayaa ka mid noqday bartilmaameedyada ugu waa weyn ee suuqa kala iibsiga, waxaana in mudo ah lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester United.

Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay xiddigii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxay u baahan yihiin daafac dhexe iyo garabka midig, wayna ogyihiin boosaska ay doonayaan inay xoojiyaan”.

“Sida iska cad muhiimaddoodu waxay ahayd inay la saxiixdaan Jadon Sancho, laakiin la saxiixashada daafac waa lama huraan, laakiin waxaa jira waqti ay wax ku qabtan karaan”.

“Laga yaabee labada ama seddexda maalmood ee ugu dambeysa inaan arki doono waxa dhici kara”.

“Guul weyn ayey u aheyd Ole Gunnar Solskjaer inuu kooxda ku soo celiyo Champions League”.

“Ilaa iyo inta uu ka xirmayo suuqa kala iibsiga, waxaa laga yaabaa inay dhameystiraan hal ama labo qandaraas, laakiin dabcan waxaan doonayaa inay horumariyaan qaab ciyaareedkii xilli ciyaareedkii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here