In ka badan 81 milyan oo qof oo codkooda ka dhiibtay doorashada Mareykanka

0
77

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaceysa Talaadada berri ee November ay tahay 5. Doorashadan ayaa noqneysa mid ka duwan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray.

Saraakiisha amniga iyo sirdoonka Mareykanka ayaa ka digaya in cod-bixiyeyaasha ay wajahayaan halis iyo dareen kacsan, khatartuna waxay ka imanaysaa gudaha iyo dibadda.

Dhanka kale Waxaa heer gabo-gabo ah maraya ololaha doorashada madaxtinimo ee waddanka Mareykanka, sida laga soo xigtay shaybaarka doorashada ee jaamacadda Florida, kaas oo la socda macluumaadka shaacinta ee dalka oo dhan.

Labada musharax ee Kamala Haris iyo Donald Trump, ayaa labaduba ku guda jira saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha ay ku kasbanayaan shacabka reer Mareykan.

In ka badan 81 milyan oo qof ayaa ilaa hadda horay u sii dhiibtay codkooda.

Trump ayaa maanta isu soo bax ku qaban doona gobolka Michigan, gaar ahaanna Grand Rapids, halka Haris ay iyaduna booqatay gobollada Philadephia iyo Pennsylvania.

Harris ayaa dadka isugu soo baxay Pennsylvania sheegtay in “America ay diyaar u tahay billow cusub”.

Harris waxa ay sheegtay in haddii ay ku guulaysato doorashada madaxtinimo, ay bilaabi doonto in ay ka shaqeyso “liiska wax-qabadkeeda”, oo ay ku jirto cashuur dhimis loo sameeyay in ka badan 100 milyan oo Maraykan ah, mamnuucis heer federal ah oo ku aadan jaangooynta qiimaha qudaarta ee shirkadaha waawayn iyo hubinta in dadka Maraykanku ay awoodi karaan meel ay ku noolaadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here