Dhowr Kooxood oo Premier League ah oo Daneynaya Saxiixa Ansu Fati.

0
200

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa sugaya waxa uu ku dhamaan doono xiriirka Ansu Fati iyo Barcelona marka loo eego hadaladii uu dhawaan sheegay aabihiis.

Aabaha dhalay Ansu Fati ayaa weerar kulul ku qaaday Tababaraha Barcelona ee Xavi sabab la xiriira in uu wiilkiisu ku fashilmay in uu joogto ugu ciyaaro kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Fati waxa uu Barcelona kala qayb qaatay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan 38 kulan, isagoo u dhaliyay 6 gool, 3 kalena caawiyay waana wax ka yar wixii laga filayay xiddiga kooxda u xidha No.10, Fati waa 20 jir, ayaa wuxuu qandaraaskiisa  dhacayaa Jun 2027.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Futbol Spain, waxaa jira 4 kooxood oo premier League ah kuwaas oo si dhaw ula socda xaalada Fati iyo Barcelona waxana ay kala yihiin Manchester United, Arsenal, Chelsea iyo Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here