Dadka u soo damaashaad taga Xeebta Liido ayaa u badan dhalinyaro kuwaas oo inta badan fasax ka ah xarumaha waxbarasho ee ku yaal magaalada sida Jaamacadaha iyo Dugsiyada iyo xarumha kale ee shaqooyinka kuwaa oo ku faraxsan in ay waqtigooda inta badan ku bixiyaan Dalxiiska iyo Damaashaadka xeebta Liido.
Xeebta Liido ee magaalada kismaayo ayaa ka mid ah xeebaha ku yaala magaalada ayna u damaashaad tagaan muwaadiniinta Soomaaliyeed maalmaha Jimcaha iyo Khamiista hasa-yeeshee Liido marka laga yimaado maalmaha nasiinada maba jiro xilli ay firaaqo tahay madaama ay inta badan usoo dalxiistagaan dadka ajaanibta ah ee imaanay magaalada kismaayo.
Waxaa Warbixintaan inoo haysa Foos Cali Cabdiraxmaan.