Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose waxaa ku noolka dhalinyaro badan oo muruq maalat aha kuwaas oo maalin walba u shaqata goobaha dhagax jabinta ee duleedka Degamada Kismaayo ‘waxaa ayna soo saaraan noocyada kala duwan ee dhagxaanta loo isticmaalo dhismaha guryaha iyo waxyaabaha la midka ah.
Dhalinyaraan oo shaqada dhagax jabinta ka mareeya noloshooda iyo mida Qoysaskooda ayaa markii hore soo saarista dhagaxa caqabado kala kulmi jiray madaama aysan haysan qalab fiican oo ay dhagaxa kula soo badaan balse waxaa ay hada heleen Makiinad u fududaynaysa shaqada dhagax jabinta waxaa ayna maalinkii soo saraan dhagax ka badan kii ay markii hore soo saari jireen.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.