Dhalinyarada isticmaasho baraha bulshada oo kismaay kusoo badaneysa

0
354

Kismaayo(Waamo Radio)Baraha bulshada oo ay dadku ku kulmaan gaar,ahaan Faacbook,ga ayaa ah kuwa loo adeegsado dhinaca wanaagsan iyo dhinaca xun,waxaana mudooyinkii u dambeeyay soo badaneysay in dadka qaar ay u adeegsadaan siyaabo aanan wanaagsaneyn oo laga deyriyo.

Qaar ka mid ah dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada ee ku noo magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacada Waamo ayaa ka hadlay waxtarka iyo waxyeelada baraha bulshada gaar,ahaan Faacbook,ga.

Cabdiwali Maxamed waxaa uu aaminsanyahay in baraha bulshada laga dhaxlay dhibaatooyin badan islamarkaasina ay caqabad ka dhalan karto.

Cumar Macallin Caynab ayaa Dhankiisa aaminsan fikrad taas ka badalan oo ah in baraha bulshada uu waxtar badan u leeyahay bulshada,oo ay kabadan yihiin dadku ku soo gudbaya wanaaga iyo waxyaabaha dadka waxtarka u leh,islamarkaasina uu isaga qudhiisa uu wax ku barto qaab Online ah.

Waxaa warbixintaan inoo soo Jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here