Dhalinyado bartay Xirfadaha Gacanta oo lasiiyay  Shahadooyin iyo qalab Ay ku Shaqaaystan 

0
362
Kismaayo(Idaacada Waamo)Kudhawaad 15 Dhalinyaro ah Oo baratay Xirfadaha Gacanta oo ka kooban Kumbuyutar,Faryaamo iyo Harqaan  Ayaa lasiiyay Shahadooyin ka turjumaya waxaa ay Soobarteen iyo Agabkii ay ku Shaqaaysan lahayeen .
Goobta Dhalinyaradaan lagu gudoonsiyay qalabka iyo Shahadooyinka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland iyo Masuuliyiin ka Socday Haya.adaha Wasaaradda dhalinyarada Kagarabsiiya Hormarinta Arimha Dhalinyarada .
Qaar kamid ah Dhalinyarada dhamaaystay xirfadaha kala duwan Ee gacanta Ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Ka guul gaarida xirfadihii ay mudada soobaranayeen .
Cabdirisaaq Faarax oo kamid ah Masuuliyiinti Gacanta kuhayay inTII Dhalinyaradan ay Wax baranayeen Ayaa ka warbixiyay Marxaladihii kala duwanaa Ee ay Dhalinyaradaan Wax kusoo Barteen .
Agaasimaha Xarunta Farsamada Gacanta Ee(KTI )Xassan Cabdi Xassan ayaa dhankiisa dhalinyara ku booriyay in qalabka lasiiyay ay Siwanaagsan wax ugu qabsadaan kuna Hormariyaan noloshoda .
Cabdiraxmaan Xaaji Cabdi Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland ayaa isna dhalinyarada kula dardaarmay in Xirfadaha ay barteen uga faaideeyan Bulshadooda waxaa uuna Xusay in Wasaaradda Dhalinyarada ay marwalba Utagantay Sidii Shaqo abuur logu samaayn lahaa Dhalinyarada reer Jubbaland .
Dhalinyaradaan ayaa in mudo ah ku Howlanaa barashada Xirfadaha kala duwan Ee Gacanta waxaa ayna ugu Danbaayn nasiib u yesheen inay helaan shahadooyinkii Cadaynayay Xifadaha ay Soo barteen iyo Qalabkii ay kushaqo bilaabi lahayeen.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here