Dekadda Kismaayo oo laga bilaabay Dhoofka Xoolaha iyo Liin dhanaanta

0
334
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dekedda magaalada Kismaayo oo kaalin weyna ku leh dhaqdhaqaaqa ganacsi ee qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxay ka mid  tahay Dekadaha ugu Waaweyn Dalka.
Dekedda magaalada Kismaayo ayaa waxaa horey looga dhoofin jirey xoolaha nool sida dibida laakiin hada waxaa kaloo lagu soo kordhiyey dhoofinta sisinta iyo liin dhanaanta oo deegaanada jubbaland si weyn uga baxa.
 dhoofinta sisinta iyo liin dhanaanta ayaa  waxay rajo weyn galisay Beeraleyda ku nool deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland  oo tacabkooda u helay Meel ka baxsan magaalada kismaayo oo ay u suuq geeyaan.
Maareeyaha Dekedda Kismaayo  Axmed Xaaji  ayaa ka hadlaya waxyaabaha dekadda ka dhoofo iyo waxyaabaha kasoo dago .
Dekedda ayaa waxaa subax kasta u shaqa taga shaqaalo ka badan afar kun oo qof oo xoogsato u badan kuwaasoo qutul yoomka uga raadiya Qoysaskooda.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here