Degmada Cadaado oo laga dhagax dhigay Iskuul loogu talagalay Gabdhaha

0
13
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane: Maxamed Maxamuud Cilmi iyo qaar ka mid ah howl-wadeennada wasaaradda oo ay wehliyaan maamulka degmada Cadaado, ayaa dhagax dhigay dugsiga gabdhaha ee degmada Cadaado.
Dugsiga oo loo dhisayo qaab casri ah isla markaana ay hirgelintiisa iska kaashanayaan Wasaaradaha Waxbarashada ee heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo sanduuqa Horumarinta Waxbarasha (GPE) ayaa dhulkii laga hirgelin lahaa waxaa bixiyey bulshada degmada Cadaado taasoo muujinaysa doorka muuqda ee ay bulshada rayidka ah ka qaadanayso horumarinta adeegyada aas-aasiga ah sida waxbarashada.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here