Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah uga dagtey diyaaraddii ugu horreysay ee xamuul qaada, kaddib markii la soo gabagabeeyey dhismaha garoon diyaaradeed oo muddooyinkii dambe halkaas ka socday.
Furitaanka garoonka ayaa daboolaya baahi weyn oo bulshada degmadu u qabtay duulimaadyada, waxaana la filayaa inuu si weyn u fududeeyo safarrada iyo isu socodka dadka iyo badeecadaha.
Shacabka degmada Buur-Hakaba ayaa si diirran u soo dhaweeyay tallaabadan horumarineed, iyagoo ku tilmaamay guul weyn oo degmadu gaartay, kana jawaabtay rajadii muddada dheer ee ay ka qabeen in degmadu ay hesho garoon diyaaradeed oo casri ah.