Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Degmada Afmadow ayaa laga dhagax dhigay Dugsiga hoose/dhexe oo loogu talagalay Gabdhaha kunool Degmada Afmadow, Dhismahan Dugsiga waxaa hirgalinaysa Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Ee Dawladda Jubbaland iyadoo kaashanaysa Hay’adda Care, Dugsigan cusub ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo xaaladda waxbarashado ee gabdhaha Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.