DEG-DEG: Mustaqbalka Antonio Rudiger Oo Ugu Dambayn Dhinac U Dhacay & Kooxda Uu La Heshiiyay

0
179

Mustaqbalkii mudada dheer laga hadlayay ee daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa ugu dambayn dhinac u dhacay iyadoo haatan la magacaabi karo kooxda cusub ee daafaca ree Germany.

Rudiger ayaa suuqii xagaaga ee 2018 kusoo biiray Chelsea, mudo shan sano ah oo uu joogay ayuu shan koob oo waaweyn lasoo qaaday kooxda ree London.

Toni Rudiger ayaa si gaar ah loogu xasuusan doonaa mudada uu Stamford Bridge kula shaqaynayay tababare Thomas Tuchel oo uu kamid noqday daafacyada booskiisa ugu wanaagsan dunida.

Si kastaba, iyadoo mudo dheer maamulka Chelsea ay isku fahmi la’aayeen arrimaha heshiis kordhintiisa ayaa mulkiile la’aanta kooxda mudada dheer haysatay ay sii saamaysay mustaqbalkiisa maadaama oo aan wali cidi si rasmi ah u iibsan.

Chelsea oo lagu soo rogay go’aamada ah inaysan wax heshiis cusub ah ka saxeexan karin xiddigaheeda kaddib markii kooxda laga xayuubiyay mulkiile Roman Abramovich ayuusan intaas wax ka badan sugi karin Rudiger.

Ugu dambayn, sida uu haatan sheegayo saxafiga xog-ogaalka ah ee Fabrizio Romano, Rudiger ayaa heshiiska shaqsiga ah si rasmi ah ula gaadhay kooxda hoggaaminaysa La Liga ee Real Madrid oo uu qandaraas afar sano ah ugu biirayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here