DEG-DEG: Mohamed Salah Oo Heshiis Afka Ah La Gaadhay Horyaalka Sucuudiga.

0
49

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Sucuudiga ee Al-Ittihad sida ay sheegayaan wararku.

Suuqa January ayay inaga xigtaa wax yar iyad aoo kooxaha iyo xiddiguhu isku diyaarinayaan in ay suuqa si fiican u galaan.

Wararka ayaa sheegaya in uu Mohamed Salah haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Al-Ittihad marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

Sida laga Football Insider, Heshiiska uu Salah ugu biirayo horyaalka sucuudiga ayaa la dhamaystiray.

Heshiiska Salah iyo kooxda Al-Ittihad Ayaa haatanba meel la isla dhigay iyada oo kaliya la sugayo inta uu furmayo suuqa kala iibsiga.

Salah ayaa xagaagii aad ugu dhawaaday in uu ku biiro Kooxda Al-Ittihad kuwaas oo dalabyo badan ka gudbiyay saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here