DEG-DEG: Manchester United Oo Shaacisay Go’aanka Ay Ka Gaadhay Xiddiga Ceeboobay Ee Marcus Rashford

0
78

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa war kasoo saartay weeraryahankeeda ceeboobay ee Marcus Rashford oo maanta dib ugu laabtay garoonka tababarka kaddib laba maalmood oo uu kaga maqnaa xanuun uu kusoo wargeliyey, laakiin saxaafadda Ingiriisku ay soo bandhigtay muuqaallada isaga oo laba habeen oo isku xiga ku sugnaa mid ka mid ah hotelada fusuqa iyo fasahaadka ee lagu tunto ee ku yaalla magaalada Belfast.

26 jirkan ayaa waxa uu maanta la kulmay Erik ten Hag iyo maamulka kooxda, waxaana lagu riday ganaax ah £650,000 milyan oo Gini, iyadoo dib loogu ogolaaday inuu tababarka la qaato kooxdiisa.

War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United ayaa lagu sheegay in Marcus Rashford uu qaadanayo masuuliyadda ficilladii uu sameeyey, isla markaana ay kooxdu ku samaynayso anshax-marin gudaha ah.

“Marcus waxa uu qaatay masuuliyadda ficilladiii uu sameeyey, arrintanna waxa lagula tacaalayaa si hoose oo gudaha kooxda, haddana waa lasoo xidhay arrinta.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saartay Manchester United.

Marcus Rashford ayaa ka maqnaaday ciyaartii guusha ee ay kooxdiisu 4-2 kaga soo adkaatay Newport xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here