Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa inay heshiis la gaarto Leipzig si ay ula soo saxiixato Benjamin Sesko.
Sida xalay la sheegay Sesko ayaa ku wargeliyay labada kooxood inuu doonayo Manchester United.
Man United ayaan doonayn in ay gasho dagaal suuqa ah hadii ayna hubin in uu ciyaartoygu doonayo Old Trafford, Sesko ayaa xalay u sheegay Newcastle in uu doortay ku biirista kooxda Man United.
Newcastle dalab ka badan 80 milyan oo euro ayaa laga aqbalay laakiin xiddiga ayaa sugayay Man United.