DEG – DEG :- Kooxda Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay ee Xagaagan.

0
236

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal ayaa Xaqiijisay in ay Dhamaystirtay Saxiixa Xiddigii Hore ee Chelsea ee Willian Kaas oo Qalinka Ku Duugay 3 Sano Heshiis ah.

Xidiga Willian ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis uu Todobaadkii Mushaar ahaan Ku Qaadan Doono Lacag Dhan 220 Kun oo Gini Kadib Markii uu Kusoo Biiray Kooxdiisa Cusub ee Arsenal.

Imaatinka Xiddigan 32 Jirka ee Willian ah ayaa Lagu Xaqiijiyay Barta Twitter-ka ee Kooxda Arsenal isaga oo Kooxdiisa u Xiran Doona Lambarka No.12.Image

Xidiga Cusub ee Kooxda Arsenal ee Willian ayaa Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee Kooxda Arsenal ee Suuqa Xagaagan isaga oo Kooxdiisa Cusub Todobaadka Dambe Kula Biiri Doona isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub ee 2020/2021.

Xidiga Willian ayaa Sheegay “Inuu Aad ayaan ugu Faraxsanahay in uu Noqday Xiddig Arsenal ah, Ma Sugi Karo in aan Bilaabo Tababarka Lana Kulmo Xiddigaha aan isku Kooxda Nahay” ayuu Willian yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here