DEG-DEG: Dominik Szoboszlai Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Liverpool.

0
144

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai sida ay sheegayaan wararku.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in Dominik Szoboszlai uu tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Liverpool kadib markii ay Liverpool bixisay lacagtii lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Romano ayaa sheegay in uu xiddigu maanta tijaabada caafimaadka u marayo ka hor inta aan si Rasmi ah loogu dhawaaqin saxiixiisa maalmaha soo socda.

Xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai ayaa noqon doona saxiixii 2-aad ee ay samayso kooxda Liverpool suuqa xagaagan.

Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa heshiis wakhti fog ah u saxiixay kooxda Liverpool waxana uu saacadaha soo socda dhamaystiri doonaa qaybta hore ee tijaabada caafimadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here